Saxaro Adayg ama Calool Fadhi (Constipation)

Saxaro Adayg ama Calool Fadhi (Constipation)

Horumarinta Caafimaadka guud wuxuu ka bilaawdaa ka hortaga cudurada iyo fahamka astaamaha keena. Dheefshiidka ayaa ah nidaam aad muhiim ah isla markaana si toos ah ugu xiran caafimaadkeena guud. Caloosha oo fadhido ama saxarada oo adag waxay kamid tahay dhibaatooyinka ugu wayn ee keena xanuuno badan oo noqda cudurada joogta noqda ee Chronic diseases  ka.

Bulshadeena Soomaaliyeed waxaa ku badan xanuunada dheefshiidka (Digestive problems) oo uu ka mid yahay Baabasiirka (hemorroids), Gaaska (Gastritis), Calool fuurka iyo kuwa kale oo badan oo aan ahayn oo kaliya mindhicirada iyo caloosha ee sida xanuunada beerka, xameetada, hungurimarka, afka iyo ilkaha.

Rugta Caafimaadka ee qadka internetka ee Caafiye, oo ah tan soomaaliya ugu horaysa (the first Somali online clinic) waxaan ahmiyadda saarnaa ka hortaga cuduradda iyo horumarinta Caafimaadka guud, qaasatan Caafimaadka haweenka (women’s health), Caafimaadka Caruurta (Cildren’s health) iyo Caafimaadka qoyska (Family health)

Maqaalkan waxaan uga hadli doonnaa saxaro adayg (constipation) oo ah sababaha ugu wayn ee sababa cudurada joogtada noqda ee chronic diseases ka ee na ku badan soomaalida

Waa maxay Saxaro-adayg (Constipation)?

Saxaro adayg ama Calool-fadhi waa marka socodka saxarada ay istaagaan oo ku hakada mindhicirka wayn ilaa qaybta hoose. Taasi waxay sababtaa in qofka ay ku adkaato saxarada oo la socota xanuun adag qofka marka uu saxaroonaayo oo dhici karta in uu baahnaado caawinaad dheeraad ah.

Maxaa keena Saxaro-adayg (Constipation)?

Waxyaabaha keena way badan yihiin laakiinse inta badan waxaa sababa cuntada la cuno noocooda. Tusaale ahaan burka iyo waxyaabaha laga sameeyo sida baastada, Pizza, Rootiga cad, hilibka, caanaha. Waxaan ognahay in Bulshada soomaaliyeed cuntadooda ay ku badana Tahay cuntada noocaas ah oo sababa saxara adayg isla markaana noqda xanuuno kale. Firfircooni la’aanta jirka oo ayadana sabab u noqon karta Saxaro-adayg (Constipation)

Astaamaha saxara adayg ayaa kamid ah, in qofka oo aan riixi karin saxarada uuna dareemo  xanuun aad u badan. Waxaa dhici karta in qofka uu dareemo in ay saxaradu ka soo dhamaanin weli oo la socota xanuun, dibbir ama lalabbo.

Waxyaabaha keena saxara adayg waxaa ka mid ah qaliinka dhalista caruurta oo aan si fiican loo qalin isla markaana u buksoon meesha laga qalay oo kadib in muddo ah sababta in mindhiciradda ay is qaloociyaan oo qofka dumarka ah ku adkaata saxarada

Saxaro-adayg (Constipation) marka uu noqdo mid joogta ah, astaamaha soo baxa ee ugu horeeya wexey noqon karaan: Neefsashada Afka oo qurma, cunto cunida oo yaraata, caloosha oo aad dareento in ay ku fuursan tahay, baabasiir.

Dadka way ku kala duwan yihiin astaamaha hore iyo kuwa dambe ee lagu garto Saxaro-adayg (Constipation). Dumarka qaarkood xiliga uurka way dhacdaa in uu ku dhoco Saxaro-adayg (Constipation). Caruurta iyo dadka waayeelka ah ayagana sido kale. Xanuunadan kuma koobna soomaalida ku nool soomaaliya , Kenya ama wadamadda Khaliijka ee waxaan ku aragnaa soomaalida qurbaha ku nool ee magaalooyinka Minnesota iyo Toronto iyo London oo aan markasta ka caawiyo sida ay uga hortagi lahaayeen saxaro adayg

Sida saxda ah, qofka waa inuu saxaroodaa hal jeer maalinkasta ama hal jeer laba maalin kasta. Saxaro-aday ga dadka qaar muddo kooban ayay haysaa, dad kalane dhib ayay ku heysaa muddo dheer.

Sidee looga hortagaa Saxaro-adayg (Constipation)?

Dr. Hassan Yusuf Munye ayaan waydiinay sida ugu sahlan ee looga hortagi karo Saxaro-adayg (Constipation). Wuxuuna ku jawaabay:

  • Cab ugu yaraan 8-10 koob oo biyo ah maalin kasta.
  • Badso maraqa/fuudka laga suubiyay qudaarta iyo kalunka oo aan lahayn hilib
  • Yarayso cabitaanka caanaha ama iska jooji
  • Cab Yogurt ta nooca aan lahayn sokorta
  • Cun cuntooyin wata buunshada sida siiriyaalka buunshaha leh, rootiyada miraha isu dhan ka sameysan, khudaarta oo sideeda ah ee aan la karin, Frutooyinka qaasatan tufaaxa.
  • Yaray cunitaanka farmaajooyinka, shukulaatooyinka iyo ukunta maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in ay sii xumeeyaan Saxaro-adayg (Constipation)
  • Sameey jir dhis ama jimicsi joogto ah ama socodka badso qaasatan soomaalida qurbaha ku nool.
  • Musqusha aad oo dib ha u dhigin marka ay saxaro ku qabato.

 

Hadii aad intaas suubiso waxaa hubaal ah in wax iska kaa badali doonaa, laakiinse sidoo kale la socodsii dhakhtarkaaga, kalana hadal ka hor inta aadan isticmaalin wax daawooyin caloosha jilciya oo farmashiga laga soo iibsado.

Caafiye waa Bixiyaha Adeegyada Caafimaadka Soomaaliyeed ee qadka internetka ee soomaaliya ugu horeeyo oo uu Dr.Hassan Yusuf  Munye aasaasay ayaa waxaan ku buraarujinanynaa bulshadda soomaaliyeed inay caafimaadkooda ahmiyad siiyaan qaasatan Caafimaaka haweenaka ama dumarka, Caafimaadka caruurta iyo Caafimaadka qoyska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *