Baaritaannada Dhiigga (Blood Tests)

 

Baaritaannada Dhiigga (Blood Tests)

Waxaad is weydiinaysaa haddii aad u baahan tahay iyo goorta aad u baahan tahay baaritaanka dhiga guud. Waxaa jira noocyo kala duwam ee baaritaanada dhiiga.  Waxaan sharxi doona su’aalo badan ay soo codsadeen dad badan oo soomaali ku nool qurbaha sida soomaalida ku nool magaalada minnesota ee wadanka mareekanka ee  iyo magaalada Toronto ee wadanka Canada  iyo Yurub qaasatan wadanka ingriiska.

Muhiimadda ugu wayn ee baaritaanada dhiiga waa si loo ogaado isla markaana daba gal loogu suubiyo xanuunada iyo cuduradda kala duuwan ee binu aadamka ku dhaca. Xanuunada sida kuwa Haweenka, Caruurta, iyo dhamaan guud ahaan. Sidaa darteed dhaaqtiirta wexey codsadaan in ay helaan natiijadda baarista dhiiga guud ka hor inta aysan diagnos saarin iyo kadib, oo inta badan ah si ay u hubsadaan xanuunadda iyo cuduradda. Sidaa darteed baarista dhiiga waa caawiye ee ma ahan mid keligiis dhaqtarku diagnose ku suubin karo. Waxaan in yar oo kooban ka hadli doonnaa noocyadda barista dhiiga sida:

Baarista guud ee dhiiga ama tirin dhiiga oo dhamaystiran (full blood count): 

Baaritaannada Dhiigga (Blood Tests) waxaa lagu ogaadaa heerka uu maraayo unugayadda dhiiga iyo marxalada ay ku sugan yihiin. Tusaale ahaan, Unugyadda cad (White blood cells) oo ah kuwa difaaca jirka binu aadamka. Unugyadan oo ah kuwo aad u muhiimsan oo qaybintooda qeexi karta hadii qofka xanuunkiisa uu sababay Virus ama Bakteriyada ama parasite iyo in qofka uu qabo kansarka dhiiga. Waxaa kaloo jira unugyadda cas/guduudan oo ayagana muhiimka u ah isu dhaafinta hawada oksijinta, waxaa kaloo lagu ogaadaa qofka haduu qabo dhiig yari (anemia) iyo birta ku yar tahay iyo in kale, sido kale waxaa lagu ogaan karaa heerka Vitaminka B12 ee jirka.

Baarista guud ee dhiiga ama tirin dhiiga oo dhamaystiran uma baahna qalab badan oo waxaa lagu suubiyaa shaybaaradda yaryar oo u baahan oo kaliya qalabka lagu taxliilo iyo kan lagu eego ee microscope ka ah iyo hemocytometer.

Haddaan si kooban uga hadlo aasaaska dhiiga: Dhiigu wuxuu ka kooban yahay qayb dareere ah, oo loo yaqaanno Plasma, iyo qayb unug oo ay ku jiraan unugyada dhiigga cas, unugyada dhiigga cad iyo platelets. Tirada dhiigga oo dhammaystiran waxay qiimeysaa saddexda qaybood ee unugga dhiigga.

Waa muhiim qofka bukaanka ama qofkasta oo daneenaaya inuu ogaado caafimaadkiisa/keeda inuu ogaado arimahan baarista dhiiga. Baarista guud ee dhiiga ama tirin dhiiga oo dhamaystiran waxaa badanaa loo isticmaalaa in lagu baaro cudurrada iyada oo qayb ka ah qiimeynta Caafimaadka guud. Sidoo kale, ma ahan oo kaliya in lagu ogaado cudurada saameeya unugyada dhiiga, sida caabuq, dhiig -bax, ama kansarrada qaarkood ee waxaa kaloo loo adeegsadaa blood transfusión iyo qaliimada. Baaritaanka noocaan ah badanaana waxaa la sameeyaa maalin kasta dadka cusbitaalka la dhigo ka hor inta aan qofka qalliin lagu samayn si loo ogaado dhiig -yaraan in ay jirto iyo in kale.

Caafiye oo ah rugta caafimaad ee qadka internetka (the first Somali online clinic)

ayaan waxaan rabnaa inaan si kooban kuugu sharaxno arimahan:

Waxyaabaha ama maadooyinka inta badan la baaro ee dhiiga waxaa ka mid ah oo kale:

  1. Baarista Sokorta (Macaanka) hirka: waa baaris muhiim ah oo looga hortagi karo cudurka Sokorowga iyo hadiii qofka uu qabo Sokorta lagula socon karo is badalka sokorta diiga.
  2. Sodium ama cusbada jirka waxay kaalin weyn ku leedahay maamulka iyo dheelitirka biyaha jirka. Heerka soodiyamka dhiiga ku jira oo hooseeya wuxuu keeni kara biyo cabitaan aad u badan, wadnaha oo shaqadiisa hoos u dhacda, ama kelyaha oo shaqadooda ias dhinta.
  3. Creatinine: Kariyaatiniin waa maado dhiiga ku jirta oo laga helo nafaqada cuntatada. Baaristeeda waxaa lagu ogaan karaa heerka murqaha jirka iyo shaqaynta kilyaha.
  4. Bir (Iron): Birta oo qayb wayn ka ah soo saarka unugyada dhiiga gaduudan ee jirka. Baarista birta waxaa lagu ogaan karaa haddii qofka uu qabo dhiig yari iyo in kale. Qaasatan dumarka oo xiliga dhiiga caadada ay lumiyaan bir badan oo u baahan soo kabsasho. Jirka wuxuu u baahan yahay bir si uu u sameeyo unugyada dhiiga gaduudan. Unugyada dhiiga gaduudan waxay caawiyaan inay oksijiin ka soo qaadaan sambabada una gudbiyaan muruqyada iyo jirka. Haddii jirka uusan helin bir ku filan, unugyada jirka oo dhan si fiican uma shaqeeyaan.
  5. Baruur/Dufun (Cholesterol): Baruurta ama Dufunta oo ah maadooyinka ugu muhiimsan ee jirka binu aadamka. Waxay ka qaby qaataan dhismaha hormoonada noocyadiisa iyo qaybo kale oo kala duuwan ee jirka binu aadamka. Waxaa jira lava nooc, mid qatar ah haduu bato iyo mid fiican. Baaristooda waa muhiim si looga hortago cuduradda wadnaha madaxa, kilyaha iyo beerka. Wexey u kala baxaa HDL iyo LDL: HDL waa nooca “fiican yahay” waa baruurta caawisa inay ka soo saarto jirka baruurta xad-dhaafka ah. LDL waa “xun yahay” waa baruur taasoo qaada baruur una geysa unugyada, laakiin gadaal ku reebta/dhaafta baruur badan u dhow wadnaha halbowlahiisa iyo jirka.
  6. Unugyada Dhiiga Cad (WBC): Waaxay yihiin kuwa lagu ogaado qofka hadduu qabo caabuq IWM iyo in kale. Unugyada Dhiiga Cad wexey u kala baxaan noocyo kala duwan oo midba si qaas ah u qeexysa xanuunka ka dhex sacoda jirka. Wexy ka hortagaan ayna dilaan wax kasta ee jirka soo gala oo shisheeye ku ah jirka sida bakteriyada sababta caabuqa iyo virus yada.

Dr.Hassan Yusuf Munye oo ah dhaqtar soomaali isla markaana ah aasaasaha Caafiye ee rugta Caafimaadka ee qadka internetka ah, waxuu ku boogaadinaayaa bulshada Soomaaliyeed ee meel kasta joogta in ay caafimaadkooda il gaar ah siyaan qaasatan haweenka iyo Caruurta. Waxaan si taxana ah uso gudbin doonnaa jawaabaha si tooska ah loo soo waydiiyey dhaqtarka.

2 Responses

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *