Caafimaadka iyo Cuntada

Caafimaadka iyo Cuntada waa laba shay oo isla xiriira. Dadka inta badan wexey raadiyaan xal deg deg ah, laakiin Ma ogtahay in in-kabadan 80% dadka marar badan la keeno ama la seexiyo isbitaalada qaybta gargaarka deg dega ah ay kuligooda ka wada siman yihiin hal mid oo ah cunto xumida

Waaa dadka qaba cudurada joogtada noqda ee Chronic diseases ka oo qaba xanuunada wadnaha, Sokorta, Dhiig karka iyo inta badan oo la xiriira cunto xumida iyo jir firfircooni la’aanta. Waxaa adag in si deg deg ah wax loogu qabto marka la keeno isbitaalka qaybta gargaarka deg dega.

Marar badan ayaan ka hadalnay ahmiyadda cuntada iyo firfircoonida jirka iyo ka hortaga cudurada iyo ku noolaansho nolol caafimaad leh.
Haddii cuntadaada aad ka dhigto mid sax ah oo kaamil ah, sida inaad cunto qudaarta noocyadeeda kala duwan, iyo isla markaana aad joojiso cuntada lasoo warshadeeyay, waxaa 100% hubaal ah in caafimaadkaaga wax iska badali doono.

Arimaha ugu horeeya aan ka waraysto marka uu qof bukaan ah ii yimaado waa xagga cuntada iyo biyo cabista oo ah arimaha ugu liita ee bulshada soomaaliyeed wax ahmiyad ah siinin ama aysan jirin wacyi gelin sax ah oo dhaqaatiirta intooda badan aysan ayaga xataa ahmiyad siinin arinta Caafimaadka iyo cuntada.

Haddii aad fahamto xiriirka u dhaxeeya Caafimaadka iyo cuntada qaasatan bulshadeena Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, waxaad ka magan geli kartaa in aad ku noolaato nolo caafimaad leh.

Waxaa kaloo sii dheer in Caafimaadka maskaxda ay ka mid tahay dhibaatooyinka ugu badan bulshadda qurbo joogta Soomaaliyeed haysato ayaa wexey si toos ah ugu xiran tahay cuntada aad cunto. Waxaa la ogaaday in xiriir iyo saamayn wayn u shaxayso maskaxda, fikirka ama dareenka iyo dheefshiidka.

Cunto dhaqameedka soomaalida ayaa ah mid aan lahayn faaiido caafimaad, Sababtoo ah, cuntadeena ayaa ku kooban Bur iyo waxyaabaha laga suubiyo  sida baastada, rootiga, sambuusiga IWM, taasoo usii dheer cuntadda macmacaan sida xalwada.

Waxaa kaloo aad usii xumeeya dheefshiidkeena Hilibka iyo caanaha. Inkastoo ay muhiim tahay qofka inuu helo protein jirkiisa ku filan laakiinse jirkeena uma baahna in maalinkasta aan cunno hilib. Waxaad ku badalan kartaa cuntada badda laga helo.

Arintaan cunto xumida iyo dhibaatooyinka caafimaad ee haysata qurbo joogta soomaaliyeed ayaa aad usii saamaysa caruurta oo si sahlan u hela cuntooyinka lasoo warshadeeyay ee fast food. Waxaan aragnaa caruur soomaaliyeed oo aan gaarin toban sano uu ku dhoco cudurka sokorta, xanuunada beerka, miizaanka oo xoogsada, lafa xanuun iyo cuduro kale oo saameeyaa dadka qaan  garka ah.

Waxaa kaloo aan arkaa haween soomaaliyeed oo ayagana ka cabada xanuunada haweenka ee la xiriira hormoonadda qaasatan marka ay dhaafaan da’da shan iyo sodon sano. Arintaas waxaan kasoo qori doonaa maqaal qaas u ah haweenka ee mardhow. Sidoo kale rag yiyo Dumar, cunto xumi darteed waxaa ku dhaca saxaro adayg iyo calool fadhi oo sababa xanuuno dheeraad ah

 AQRISO: Saxaro Adayg ama Calool Fadhi (Constipation) | Caafiye

Waxaan kaloo si dheeraad ah u sharxi doonaa dheefshiidka iyo bakteeriyada ku nool. Markaan leeyahay dheefashiidka waxaan ula jeedaa bakteriyada ku nool mindhicirada iyo waxa aad cunto . Sidoo kale, xiriirka Caafimaadka iyo cuntada ayaa saameeya jirka qaybhiisa oo dhan.

Nasiib daro, waxaa sahlan in qofka uu soo iibsado cunto lasoo warshadeeyay oo aan lahayn wax faaiido nafaqa ah isla markaana sababta dib u dhac ama qas ku suubiso bakteeriyada mindhicirada.

Caafiye waa Bixiyaha Adeegyada Caafimaadka Soomaaliyeed ee qadka internetka. Waxaan ku buraarujinanynaa bulshadda soomaaliyeed inay caafimaadkooda ahmiyad siiyaan qaasatan Caafimaaka haweenaka ama dumarka, Caafimaadka caruurta iyo Caafimaadka qoyska.
Haddii aad u baahan tahay la talin xagga caafimaadka adiga iyo qoyskaaga, dib ha u dhigan ee ka hortag inta uusan cudurka balaaran si aad ugu noolaato adiga iyo qoyskaaga nolol caafimaad oo kaamil ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *